Stefan Löfven. Sawirle: Patrik Enlund/Sveriges Radio

Hoowlaha laba kacleeynta ee xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga

Xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ayaa si uu isu casriyeeyo ku tala jira in dhallin-yarada laga geliyo boosas hore liiska doorashooyinka si ey ugu soo baxaan. In la isku dhafo tacliinta iyo xirfadaha siyaasiyiinta iyo in la helo siyaasad cusub ee loola yeelan karo xiriir-dhow shurkadleyda iyo culimmada, sida ay wada-jir maanta ugu qoreen war-geeyska DN boggiisa doodda afarta siyaasi ee xisbiga hor-boodaya: Stefan Löfven (gudoomiye), Carin Jämtin (XOghaye), Magdalena Andersson (af-hayeenka dhaqaalaha iyo Mikael Damberg (hogaamiyaha xildhibaannada baarlamanka u matala xisbiga S.

Hoggaanka xisbiga ayaa ku magacaabay istraatijiyadan cusub " laba-kacleeyntii ugu ballaarneyd ee xisbigu ku tallaabsado 20-kii sannadood ee ugu
dambeeyey ".

Isha/DN

                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".