Xisbiyada qaranka oo qarka u saaran iney xal ka gaaraan a-kassa-da

Xalka siyaasadda nidaamka sanduuqa shaqa-la'aanta ee loo yaqaanno a-kassa oo sannadihii ugu dambeeyey uu ka dhex-aloosnaa khilaaf aad u ballaaran xisbiyada dhexdooda ayaa u muuqda mid xal loo helay. Sida ay baahisay laanta wararka ee idaacadda TV 4 iney dhammaan xisbiyada qaranku ku heshiiyeen sidii loo sameeyn lahaa nidaam xal middaa loogu dooneyo iyo in loo kala dhigo laba garab.

Garabka caymiska aasaaska oo dawladdu bixiso, midkaasi oo u suurtagelinaya ruuxu inuu dhaqaale helo iyada oo aan loo aaba-yeeleyn inuu ku xian yahay khasnadda a-kassa iyo in kale. Iyo khasnad a-kassa oo aan hasab aheyn, middaasina cidda xubinta ka ah u suurtagelineysa dhaqaale kaabaya ee u dhigma farqiga u dhexeeya mushaarkii uu qaadan jiray shakhsiga iyo gunnada a-kassa-da.

Qorshahan oo fikirkiisa uu ka dambeeyo ururka shaqaalaha ee TCO wuxuu furfuray dabinnadii hor-joogsiga ku ahaa baaritaankii ceeymiska bulshada oo guntiisa la bilaabey sannadkii 2010.
- Waa qorshe lagu farxo, sida uu sheegay xil-dhibaan Patrik Björk oo ka tirsan xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga, kana mid ahaa xubnihii baareyaasha.

                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".