Ylva Thörn Sawirle: Bertil Ericson

Ylva Thörn oo xisbiga S u magacaabay ku sime xoghaynta xisbiga

Ylva Thörn oo horay u soo qabatay jagada gudoomiyaha ururka shaqaalaha ee degmooyinka (kommunal) ayaa loo magacaabey ku-simaha xog-haynta xisbiga S, isla-markaana ay howsheedu noqon doonto gaar ahaan sidii wada-shaqeeyn looga dhex abuuri lahaa siyaasadda iyo ururrada shaqaalaha.

Ylva Thörn ayaa xisbiga u sameeysay baaritaan la xiriira sida ey u wada-shaqeeyn karaan ururrada shaqaalaha iyo xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadigu. Howshaa ayaa ka mid ah tiirka aasaaska si ay mustaqbalka u noqoto istaatiijiyad, sida uu sheegay hoggaanka xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadigu.

Isha/TT

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".