Quick oo mar kale laga qaaday dembi dil ah oo horey loogu xukumey

Ninka la yiraahdo Sture Bergwall, horeyna loo oran jirey Thomas Quick ayaa mar kale ay maxkamada degmada Falu ka qaaday dembi dil ah oo uu ku xukunnaa, sida uu qoray war-geeyska Expressen. Dembigan ayaa ku lug leh dilalkii qudha lagaga jaray Trine Jensen iyo Gry Storvik, oo Bergwall maxkamadi ku xukuntay inuu ka dambeeyey sannadkii 2000. Go'aankii maxkamadda ee waagaa ayaa lagu sheegay in Bergwall uu qudha ka jaray Trine Jensen 21 agoosto ee sannadkii 1981, halka 25-kii juun ee sannadkii 1985-na uu qudha ka jaray Gry Storvik.

Bishii sebteembar ee sannadkan ayuu xeer-ilaaliyuhu hoos u dhigay dembigan uu ku xukunnaa Sture Bergwall, kadib isaga oo 5-tii bishii abriil loo ogolaadey in dib loo eego.

Isha/expressen

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".