Hogaamiyaha xisbiga S oo ka hadlay xaaladda dhaqaale ee dalka

Hogaamiyaha xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga, Stefan Löfven ayaa mar uu ka hadlayay xaaladda dhaqaale ee dalka sheegay inay si dhakhsiya uga sii darayso.
Saadaalinta dawladda ee dhaqaalaha dalka ayaa la oran karaa sidiiyoo "mala-awaal furan", sida uu sheegay Löfven, mar uu ka qeyb-galay kulan uu guddiga talada ee xisbigu ku yeeshay Istockholm maanta.

Löfven ayaa sidoo kale sheegay in xisbiga S uu shuruudeeynayo in la aqoonsado dawlad uu yeesho shacabka Falastiin, isla-markaana uu dalkani kor ugaga dhawaaqo middaa hadday noqon lahayd ururka EU-da iyo hayadda Qarammada Midoobey-ba.

Isha/Ekot

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".