EU oo ku guuldareeysatay heshiis dhanka miisaaniyadda

Wada-haddalkii u socdey hogaamiyeyaasha waddammada xubnaha ka ah ururka midowga Yurub ayaa ku guul-dareeystey iney heshiis ka wada gaaraan miisaaniyadda dheer ee ururka. Warkaasi ayaa laga soo xigtay idaacadaha magaalada Brugsel oo ka soo xigtay iyaguna saraakiil u xog-daloosha howlaha ururka.

Kulankii hogaamiyeyaasha ayaa la baabi'iyey, isla-markaana halkaa laga sii amba-qaadi doonaa horraanta sannadka foodda innagu soo haya, sida ay qoraal ugu xaqiijisay hayadda wararka Iswiidhen ee TT iyo saxaafadda kale ee iswiidhen Roberta Alenius, af-hayeen saxaafadda ee Fredrik Reinfeldt. Intii aan kulanka lagu kala kicin ayuu hogaamiyaha ururka EU-da Herman Van Rompuy soo hor-dhigay qorshe la xiriira miisaaniyadda sannadaha 2014-2020, hase yeeshee ula muuqday waddammo uu dalka Iswiidhen ka mid yahay mid aan wanaagsanayn.

                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".