Warshada Stora Ensos pappersbruk ee degmada Hyltebruk, oo ah warshada ugu weyn oo sameysa waraaqaha wargeysyada ayaa ogeysiis shaqo eryid siisey 500 oo qof. Sawirle: Mikael Olsson/Sveriges Radio.

Hirka ogeysiis shaqo ka eryid oo koonfurta Iswedhen si ba'an ugu dhuftay

Sannadkaan gudihiisa inta lagu jirey waxaa ku dhawaad la siiyey ogeysiis shaqo ka eryid 50 000 oo qof, halka ugu badan oo hirka ogeysiiska shaqo ka eriyid uu ku dhafay ayaa ah koonfurta Iswedhen, sida ay werisay laanta warka ee Ekot.

Gobolka Kronoberg ayaa ugu badan ogeysiiska shaqo ka eryid marka loo fiiro tirada dadka, sidoo kale gobolada kala ah galbeedka Götland, Blekinge, Skåne iyo Jönköping ayaa kamid ah goblada ugu badan ee dadka la siiyey ogeysiis shaqo ka eryid.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".