Foto: Mons Brunius/Scanpix.

Xaflada xiritaanka iskuulka iyo diinta

Waa ok hadii xaflada dhameynta iskuulka lagu qabto kaniisada, waa hadii culeyska la saaro dhaqanka iyo wada jirka, sida waxaa warieyey laanta Ekot. Xaflada xiritaanka iskuulka hadii lagu qabto kaniisada waan in ay ka marantahay wax kastoo sal ku leh caqiido iyo diin, sida ale-baryidda, ducada iyo diin qirashada. Laakiin waa la ogalyahay in la qaado heesaha qasiidooyinka masiixiga madaama heesahaas lala xiriiriyo xaflada xirirtaanka iskuulka oo ay tahay dhaqan, sidaas ayey hay'ada Skolverket qabtaa.

Laakiin Iskuulada qaas loo leeyahay ee caqiidada ku dhisan kuwaas sharuucda quseysaa waa gooni. Waxbaridda kaliya ayeysan caqiido ku dari karin balse inta kale waa loo ogalyahay in caqiido muujiyaan tusaale xaflada xiritaanka iskuulka oo kale.

Isha: TT/Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".