Farqiga u dhaxeeya mushaaradka oo halkiisa taagan

farqiga mushaar ee u dhaxeeya raga iyo dumarka ayaa halkiisa taagan, wanaa xilliga lammaanaha caruurta dhalaan marka ay farqiga mushaaraadka kordho. Raga tacliinta sare leh oo ay da'dooda tahay 45-sanno ayaa mushaarka ay qataan dheeryahay boqolkii 40% marka loo barbardhigo dumarka ayugana leh tacliinta u dhiganta ayna isku da'yahiin, sidaas waxaa muujinaya daraasad ay sameysay Ifau (Institutet för arbetsmarnads-och utbildningspolitisk utvärdering). Wargeyska SvD ayaa maanta bilaabey qoraal taxana ah oo uu kaga waramayo sida dhalmada caruurta ay u saameyso nolasha shaqo ee raga iyo dumarka.

Waxyar ka hor da'da 30-sanno oo isku celcelis inta badan haweenka bilaabaan dhalmada ayuu bilaamaa farqiga dakhli ee raga iyo haweenka. Farqiga ugu weyn waxa uu udhaxeeya dadyowga leh tacliinta sare. Farqiga ayaa mar labaad sii laba kacleeya dad'da 50, halka waxii intaas ka dambeya uu si tartiib ah isku dhimo, sida lagu sheegay wargeyska SvD.

Isha: SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".