Qoraayada ku guuleeystay biladda abaal-marinta August ee sannadkiiba mar la bixiyo. Sawirle: Pirjo Hamilton SR Sisuradio

Zlatan oo buuggii laga qoray aanay raacin guushii abaalmarinta August

Inkasta oo cayaar-yahanka Zlatan Ibrahimovic uu muddooyinkii ugu dambeeyey ku guuleeystay abaal-marinno kala duwan, ayaanay u suurta-gelin inuu buuggisii xusuus-qorka ee loogu magac-daray "waxaan ahay Zlatan Ibrahimovic" ku guuleeysto biladda abaal-marinta August ee sannadkii mar la bixiyo.

Iyadoona ay guushii buugagta xusuus-qorka ku raacday Ingrid Carlberg, buugeeda loogu magac-daray "Halka waxaa kugu sugaya qowlad - det står här ett rum och väntar på dig", kaasi oo ku saabsanaa qisadii Raoul Wallenberg oo ku guuleeysatay qaybta tartanka ee loou magac-daray buugga sannadka ee bogga facebook.

Zlatan Ibrahimovic ayaa si wada-jir ah loo magacaabau qoraagii buugiisii loogu magac-daray "waxaan ahay Zlatan" ee David Lagercranz.

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".