Sawirle: JANERIK HENRIKSSON / SCANPIX

Mårten Wiman: oo ku guulaystay tartanka xisaabta dalka

Markii labaad ayuu laba sannadood oo is-xiga ay guushu ku raacday Mårten Wiman oo wax ka dhigta dugsiga sare ee degmada Danderyd, tartanka xisaabta dalka ee sannadka. Tartankaasi oo lagu qabtay sannadka magaalada Umeå ayay Wiman guusha ku raacday isagoona uu kaalinta labaad galay Lars Åström, oo ka soo jeeda Malmö.

Marka laga yimaado magaca iyo shahaadada uu Wiman ku guuleeystay ayuu haddana nasiib u yeeshay abaal-marin gaarsiisan 10 000 oo kronka iswiidhshka.

Tartanka xisaabta dugsiyada sare ee dalka ayaa sannadkiiba mar la qabtaa. Iyadoona markii ugu horeeysay la isugu yimid sannadihii lixdameeyadii.

Isha/TT

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".