Stockholm ayey soogalootiga cusub ugu sahlantay in ay shaqo ka helaan

Nidaamka dowladda ee loo yaqaan etableringsreform ee lagu gacan qabto dadyowga dalka ku cusub ee shaqo lagu geeyo, ma dhallin natiijo wanaagsan oo lagu faani karo, laakiin magaalada Stockholm ayaa loo soo qataa tusaale wanaagsan.

Zamzam Abdi waxay katimid dalka Soomaaliya sadex sanno kahorteed. Waxay dooneysaa shaqo sar darteed ayey Cv:geeda ugu dirtay shirkado badan balse waxaa la siiyey kaliya maya.

Shaqooyinka ay dalbato ama waa ka qibrad weyneyd amaba af-iswedhiskeeda ayaa aad u liitey. Kabacdii waxay u tagtay laanta shaqada magaaalada Stockholm.

- Ma ii arag islaan madow oo Afrika ka timid, waxay keliya fiiryeen waxaan qaban karo, ayey tiri.

Boqolkii 30 dhamaan dadyowga soogalootigaa ee cusub ayaa nidaamkaan shaqo ku helay. Laakiin magaalada Stockholm tirado waa boqolkii 52%.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".