Saddexda xubnod ee la dhaleeceeyey. Sawirle: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Xubin ka tirsan xisbiga SD oo xubinnimadii iska casilay

Kent Jansson, oo ka tirsan xubnaha xisbiga ee Sverigedimoqoraadiga (SD) ee kuraasta u matala siyaasiyiinta degmada Tidaholm, sida uu qoray maanta war-geeyska Expo.
Jansson ayaa dhaleeceyn u soo jeediyay qaar ka mid ahaa madaxdii xisbiga ee Kent Ekeroth, Erik Almqvist iyo Christian Westling iney sii haystaan xubin-nimadii xisbiga, kadib filimkii uu baahiyay war-geeyska Expressen oo ey af-gaaldeeyeyn ugu geeysteen gabar iyo dad ajaaniib ah, halka aey dhanka kale isku hubeeyeen biro dhererkoodu saddex mitir ahaayeen.

- Kama sii tirsanaan karo xisbiga ey xubno ka yihiin madax sidaasi u dhaqantey. Waa wax aan loo dul-qaadan karin. Intaasi oo ey dheertahay in dadka qaarkii ey weliba difaacaan, sida uu u sheegay war-geeyska Expo.

                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".