Sawirka: Videoga la soo dhigay Youtube

Iswedhishiin ku biirey al-Qaidada Suuriya

koox ku hadleysa afka Iswedhishka ayaa soo gelisay film shabada internetka kuwaas oo ugu baaqaya dhallinyarada Iswedhen in ay u jihaad tagaan Suuriya oo la dagaalamaan maamulka kaligii taliska ah ee Suuriya.

Filmkaan ayaa shabakada Youtube waxaa soo dhigay koox iskugu wacday Svenska mujahediin Fi Ash-sham(Mujahidiinta Iswedhiskaa ee Suuriya.

- Soo xirxiro boorsadaada oo imow Suuriya, halkaan ayaan kugu sugeynaa, walaalkeen aan jeceylnahow, ayuu ruux ka hadlayey videoga ku baaqay.

Jonathan Peste oo katirsan ciidanka amniga Iswedhen "säpo" ayaa sheegay in ciidankooda la socdaan in ay jiraan Iswedhiyiin taageera al- Qaida oo u socdaala Suuriya. Laakiin waxa uu siodoo kale sheegay in ciidanka amniga xiiseynayaan kaliya in ay helaan shaqsiyaadka qorsheynaya in ay ka geystaan falal argagaxiso dalka Suuriya ama meel kasta oo caalamka kamid ah.

- shaqsiyaadkaan Iswedhen waxay u tahay bartilmaameed sharciya in ay weeraraan.

- Ruux kamid ah kooxahaan markuu soo guriyo noqdo asaga oo soo qaatay waayo aragnimo nuucan ahaad baan u xiiseyneynaa in aan qiimeyno waxay damacsanyahiin iyo quwadooda, ayuu yeri Jonathan Peste oo katirsan hay'ada amniga Säpo.

Isha: SVT.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".