Foto: Erik Sandberg/Scanpix.

Hindise xaq loogu siinayo ruuxa in uu shaqeysan karo ilaa 69 sanno

Da'da uu qofka xaqa u leeyahay in uu shaqeysto ayaa lagu taliyey in lagu daro labo sanno. Maanta ruuxa da'da uu xaqa u leeyahay in uu shaqadiisa ku sii nagaado ayaa ah 67 sanno, laakiin hada hindise cusub oo la soo bandhigi doono guga ayaa la doonayaa in da'daas laga dhigo 69.

Arintaan ayaa waxay sidoo kale kordhin doontaa da'da uu qofka xaqa u leeyahay in uu la baxo gunooyinka howl-gabnimada oo maanta ah da'da 61 sanno taas oo noqon doonta 63 sanno.

arimahaan waxay kamidyahiin talooyin ku jira baaritaan ay sameeyeen gudi dowladda u xil-saartey ka soo baarandigida da'da howl-gabnimada oo la soo bandhigi doono kowda bisha april.

Sida uu xog ku helay wargeyska GP gudiga ayaa ku talin doona in isbadelkaan tartib tartib loo hirgeliyo.

Balse ma cada goorta la damacsanyahay in isbadelkaan la hirgeliyo. Marka hindisaha la soo bandhigo ayaa loo gudbin doonaa hay'ada dowladda iyo ururka rayidka ah si ay ugu soo talo bixiyaan kabacdii waxaa loo soo bandhigi doona barlamaanka si go'aan ugu gaaro.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".