Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Gadidda hilibka doofaarka ee Jarmalka laga keeno oo lagu baaqay in la joojiyo

La daabacay torsdag 21 februari 2013 kl 10.48

Soo dhoofinta hilibka khaansiirka ayaa Iswedhen korartay. Sannadkii hore Iswedhen waxaa soo gaaray 47 433 ton oo ah hilibka khaaniirka oo laga soo dhoofiyey Jarmalka.

Sharci tilmaaya qaabka ay tahay in xoolo dhaqatado u xanaaneyso khansiirka oo ay dejisey EU ayaa dhigaya in aan khaansiirka lagu heyn karin wax ka badan 18 asbuuc khafisyada lagu xareeyo khaansiirada.

Laakiin inkastoo xoolo dhaqatada Jarmalka mudo toban sanno ah haysteen tan iyo intii uu sharcigaan ka soo baxay EU hadana sharuudaha sharcigaan weli ma aysan buuxin inta badan xoolo dhaqatada.

Hada ururka beeroleyda Iswedhen ayaa warqad furan oo ay u direen dukanada kala ah ICA, Coop iyo Axfood kaga dalbadey in joojiyaan gadida hilibkaan laga keeno Jarmalka.

Khafisyada khaasiirada lagu xareeyo ayaa ah kuwo aad u ciriiri ah oo aysan xoolahu nooxsan karina. Inta uusan sharcigaan EU soo saarin ayaa waxaa dhici jirtey in xoola dhaqatadu ku heyso khaansiirada khafiskaas inta ay noolyahiin.

- Waxaan warqada ku weydiiney dukaanadaansida ay u damaanad qaadi karaan in hilibka ay gadaan uusan aheyn mid ay soo qaleen xoolo dhaqato aan sharciga raacin. Dalabkayaga waxaa jira wadamo laga taagersanyahay, waana mid fiican, laakiin waxaan qabnaa in la dhiiri galiyo kuwo sharciga u hogaansama. Ayey tiri Helena Jonsson oo ah gudoomiyaha uruka beero leyd Iswedhen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".