Foto: Royal Navy/Scanpix

Burcad badeed Soomaali ah oo afar sanno maxkamad sugayey

Burcad badeed Soomali ah oo ay ciidanka Iswedhen ku qabteen biyaha Soomaliya Sannadkii 2009 kuna wareejiyeen dalka keenya ayaa weli afar sanno kabacdii, ah maxkmad sugayaal. Arintaan oo ah mid aan la qaadan karin marka loo fiiriyo sharuucda Iswedhen.

Hada oo ay Iswedhen ka qayb galeyso howlaha looga hortagayo burcada badeeda ee biyaha Soomaaliya ayey dhacdadaan tahay mid dhaleeceyn loo soo jeedinayo . Dadka arintaan dhaleeceynaya waxaa kamid ah Torbjörn Björlund oo kamid ah xisbiga Vänsterpariet kana tirsan gudiga difaaca ee barlamaanka dalkaan.

- Xataa hadii qofka burcad badeed yahay waxaa aasaasiya in laguulo dhaqmo si karaamo ku dheeahntahay oo xaquuqdaada la ilaalinayo, dhacdadaana ma ahan mid la qaadan karo, ayuu yeri Torbjörn Björlund.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".