Jan Bjurklund iyo Erik Ullenhag oo soo bandhigay qorshe cusub. Sawirle: SRI/persiska

Dawladda oo soo jeedisay in kor loo qaado da'da iskuulka khasabka

Xubno ka tirsan dawladda dalka ayaa soo jeediyey fikir ah in kor loo qaado da'da iskuulka khasabka ah, isla-markaana la wanaajiyo habka barashada luuqadda iswiidhishka ee ardeyda dhowaanahan dalka yimid.

Ardeyda kor loogu qaaday iskuulka khasabka ayaa khuseeya dhallaanka dalka ku yimid laga bilaabo da'da 12 jir illaa ey ka gaaraan goolkii wax-barashada ee khasabka ama 18 sannadood, sida uu sheegay Jan Björklund, ahna wasiirka tacliinta:
- Iilama muuqato in loo baahan doono in ruux lagu khasbo. Hase yeeshee waxaan qabaa in dadka badankii ey gacmo furan ku soo dhoweyn doonaan sidii ey hab-sami luuqadda ugu baran lahaayeen.

Anledningen är att skolresultaten bland invandrade elever blivit sämre. Det finns det flera orsaker till säger intergrationsminister Erik Ullenhag. Dels att många barn är äldre när de kommer till Sverige, och dels att många kommer från länder där utbildningssystemen slagits sönder till följd av krig.

Fikirka wasiirrada ayaa ka dambeeya iyada oo ey soo baxday inay hoos u dhacday tacliinta dhallaanka soo galootiga dalkan ku yimaada oo ey ugu wacan tahay sababo kala duwan, sida uu sheegay wasiirka is-dhex-galka Erik Ullenhag. Dhinac waxaa ugu wacan dhallaan badan oo dalka yimaada iyaga oo da'doodu weyn tahay, iyo qaar ka yimid waddammo uu burburay nidaamkii tacliintu:

Sida uu qorshahani qabo in dhallaanka dalka socdaalka ku yimaadaa ey sida ugu dhakhsiyaha badan ku galaan iskuullada caadiga ah iyo in aaney dhigan fasallo khaas ah muddo sannad ka badan, sida uu sheegay Ullenhag.

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".