Dhaleeceeyn ah xafididda wasakhda quwadda nukliyarka

Dhaleeceeyn ayaa loo soo jeediyey qorshaha la dooneyo in lagu xafido haraaga wasakhda quwadda nukliyarka, kolka albaabada loo xiro warshadaha quwadda korontada ee ku howl-gala tamarta atoomikada, sida dalkan u qorsheeysan. Shirkadda SKB ayaa ku talo jirta in haraaga wasakhda warshadaha tamarta nukliyarka lagu aaso cariga Forsmark 100 mitir in biyaha ka hooseeya ee buur gudaheed ah. Iyadoo ey iminka culimada ammuurtaa ku xeel-dheeri soo jeediyeen eedeeymo la xiriira iney liigaan (dillaacaan) oo biyaha sumeeyaan.

Masaafo aan ka dheerayn xarunta shirkadda quwadda korontada nukliyarka ee Forsmark nawaaxiga Uppland ayay ku taalaa buur 50 mitir oo ka hooseeya badda Östersjö. Waa buur suyaac ah (qoyan). Waana meesha lagu talo jiro in lagu xabaalo haraaga wasakhda nukliyarka ee shirkaddii quwadda korontada Barsebäck ee albaabada loo laabay.  

Buurtaa ayaa haddaba muddo 50 sannadood dabadeed kolka la xiro ey biyo ka buuxsami doonaan midaasina oo sababi doonta in uu dildilaac ku yimaado qaata wakhti.
- Nidaamka sidan wax loo xafideyo ayaa ahaa mid socon karay sannadihii siddeetameeyadii, hase yeeshee aan soconeyn sannadkan 2013, sida uu sheegay Gerhard Schmidt, ahna khabiir ku takhasusay culuunta wasakhda atoomikada.

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista