Foto: Erland Vinberg/Scanpix

kumanaan dhallinyaro ah oo qatar ugu jira in aysan cagdhigin suuqa shaqada

Ku dhawaad 20.000 oo ah dhallinyaro da'dooda u dhaxeyso 16-19 sanno ayaa qatar ugu jira in aysan weligood marna suuqa shaqada soo cagdhigin, digniintaas waxaa wado jir u soo saarey madaxa laanta shaqada arbetsförmedlingen Angeles Bermudes Svankvist iyo madaxa iyo hay'ada kormeedha iskuulka "skolinspektionen Ann-Marei Megler oo manta qoralkooda ku soo ban-dhigay wargeyska DN-debatt.

Waxayna ku tilmaameen tiradaan dhallinyarada ah ee shaqada heysanin iskuulkana dhigan guul daro bulsho. Kuna taliyeen in wax laga qabto.

Baritaan ay sameysey Ann-Marie Begler oo maanta dowladda loo gacan geliyey ayaa ku taliyeyin degmooyinka ku dhiiradaan raadinta dhallinyaradan iyo wax u qabadkooda. Sido kalena ay laanta shaqada Arbetsförmedlingen dadaal dheerad ah ku baxiso ka hortagida dhallinyarada qatar ugu jira in ay meel cidlo ah ku soo dhacaan.

Talooyinka baarintaanka waxaa kamid ah in dhallinyarada ay da'dooda u dhaxeyso 16-17 ee baagamoodada ah oo aan iskuukana dhigan in loo diro howlooyin shaqo oo ah laylis lana siiyo guno lacag ah.

Baaritaanka Skolinspektionen ayaa lagu sheegay in degmooyinka maanta ku liitaan wax ka qabadka dhallinyarada iskuulkana iskaga hartey shaqo-laantana ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".