JK oo aan baareynin macluumadkii beenta ahaa ee tareenkii guriga dardarey

Wakiilka dawladda ee caddaaladda iyo maamulka Justitiekanslern ayaan baaritaan ka sameyney doonin macluumadkii beenta ahaan ee la xiriirey shilkii tareenka Saltsjöbadet ee banaanka Stockholm ka dhacay bishii Januari.

Shilkaas oo tareen dardarey dhismo guri.

Afhayeen u hadley booliska ayaa markii hore ku sheegey shilka in ay sababtey haweyn nadiifiso aheyd oo tareenka xadey, taas oo aheyd arin aan wax ka jirin.

JK ayaa qoraalka go'aankeeda ku sheegay in aysan aheyn shaqada hay'ada in baraan saameyntta macluumadka beenta ahaa ku yeelan karo afhayeenka booliska ee warkaas baahiyey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".