Iftiin laga dareemayo dhaqaalaha Iswedhen

Xaalada dhaqaale ee Iswedhen ayaa yare iftiimeysa, sida laga soo xigtey cabir bileedkii ugu danbeey oo ay sameysay rugta saadaalista seylada dhaqaalaha "Konjukturinstitutet".

Cabirkaan ay rugto sameyso bil kasta ayaa lagu eegaa xaalada dhaqaale ee ay ku suganyahiin shirkada iyo qoysaska Iswedhen, kuwaas oo dhaqaalahooda bisha februari uu kordhay 94,7 halkii uu bishii januari ahaa 89,9.

Dhanka uu ganacsiga dhaqaalaha kor u qaadey bishaan ayaa ah shirkadaha alaaba sameeya iyo shirkladaha qabta adeegyada ganacsi.

Halka shirkadaha dhismayaalsha iyo ganacsiga tafaariiqda aysa isbadelin, sida rugta Konjunkturinstitutet laga soo xigtey.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista