Dacwooyinka midabtakoorka oo Iswedhen yaraadey

Iswedhen waxaa yaraadey dadka ka dacwooda in midabtakoor loogeystey. Sannadkii hore ayaa dacwooyinka midabtakoorka ee loo gudbiyey Hay'ada midabtakoorka gaabilsan (DO) boqolkii 20 hoos uga dhaceen marka loo barbardhigo sannadkii 2011.

Lakiin taas micnaheedo ma'ahan in midabtakoorka uu yaraadey sidaas waxaa sheegey wasiirka is-dhexgalka Erik Ullenhag mar uu u waramayey wargeyska DN.

Ullenhag ayaa ku micneeyey in aysan dadka aqoon fiican u laheyn hay'ada looga dacwoodo midabtakoorka ee DO, saas darteedna aysan dadku dacweynin midabtakoorka ay la kulmaan.

Isha:Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista