Malik Bendjelloul oo ka guddoomaya abaalmarinta jilaaga Ben Affleck.Foto: Chris Pizzello/Scanpix.

Filimka Searching for Sugar Man oo helay abaalmarinta Oscar

Filimkan la yiraahdo Searching for sugarman oo uu sammeeyay soosaare Iswidhish ah oo lagu magacaabo Malik Bendjelloul ayaa xalay ku guuleystay abaalmarinta aflaamta ee Oscar hase yeeshee abaalmarinta ugu wanaagsan ee xagga aflaamta ee sanadkan ayaa waxaa helay filim la yiraahdo "Argo".

Filim sammeeye Malik Bendjelloul ayaa xalay abaal marinta lagu guddoonsiiyay magaaladda Los Angeles ee dalka Mareykanka halkaasi oo ay xalay ka dhaceysay xafladda abaal marinada aflaamta ee sanadkan.

Jilaaga caanka ah ee Mareykanka Ben Affleck ayaa guddoonsiiyay filim sammeeyaha reer Iswiidhan abaalmarinta uu ku helay filim-ka Searching for Sugar Man.

Waa markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1984-tii in filim Iswiidhish ah uu ku guuleysto bilada Oscar-ka.

Filimkii ugu dambeeyay ee Iswidhsih ah kuna guuleysta abaalmarino ayaa waxa uu ahaa filim la yiraahdo ‘’Fanny & Alexandar’’ uu lahaa sammeyntiisa filim sammeeyihii caanka ahaa ee Ingmar Bergmans waxuuna filimkaasi uu soo hoyay xilliga uu soo baxay ilaa iyo shan abaalmarin oo ku jirtay abaalmarinta ugu wanaagsan ee la siiyo aflaamta aan aheyn afka Ingiriisiga.

"Searching for Sugar Man" ayaa ah filim ka hadlaya heesaa Mareykan ah oo la yiraahdo Sixto Rodriguez kaasi oo xiddig weyn oo aad loo jecelyahay ka ahaa dalka Konnfur Afrika halka dalka uu u dhashay ee Mareykanka uu ka ahaa qof aan la aqoon.

Fanaankan ayaa heesihiisa waxaa aad u jeclaa dadka ka soo horjeeday xukunkii caddaanka midib takoorka ee Koonfur Afrika hase yeeshee dadka sida aadka ah u jeclaa ayaa u heystay in uu dhintay xilli hore hase yeeshee Rodriguez ayaa ku noolaa magaaladda Detriot ee dalka Mareykanka iyada oo uu ahaa qof aan la aqoon oo nolol hoose ku nool.

Malik Bendjellou ayaa ah 35 jir ka soo jeeda degmada Ängelholm waxuuna horay ugu soo shaqeeyay barnaamij la yiraahdo Kobra oo ka baxa Telifishinka SVT.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".