Hanaanka tareenada dhulka hoostooda mara ayaa ah goobaha ugu badan ee baaritaanada ka dhacaan. Foto: Hasse Holmberg /Scanpix.

Koontoroolka booliska ee aqoonsiga dadka oo intooda badan si qalad ah ku dhaca

In ka badan sagaal ka mid ah tobankii ruux ee booliska ay weydiiyeen kaararka aqoonsiga inta lagu guda jiray bishan Febraayo si ay u ogaadeen in qofka uu yahay mid sharci ku degan Iswiidhan iyo in kale, ayaa sagaalka waxay ahaayeen dad si sharci ah ugu nool Iswiidhan, sida uu soo qoray wargeyska Metro maanta.

Booliska ayaa kaararkooda aqoonsiga wediiyay ku dhowaad maal kasta oo ka mid aheyd bishan sii idlaaneysa ee Febraayo dad gaaraya 29 qof iyada oo taasi ay qeyb ka tahay howl galka loogu magac daray baaritaanka dalka dhexdiisa.

Bishii Janaayo dad gaaraya 716 ruux oo la weydiiyay sharciyada aqoonsigooda ka dib markii booliska ay ka shakiyeen muuqaalada dadkaasi ayna moodeen in ay si qalad ah ku joogaan Iswiidhan, ayaa 670 dadkaasi ka mid ahaa waxay ahaayeen dad si sax ku degan Iswiidhan taasi oo ka dhigtay baaritaanada booliska kuwo lagu deg degay oo dadka si qalad ah looga shakiyay.

Sören Clerton oo ah madax sare oo ka tirsan booliska xaduudaha ayaa dhankiisa qiray in warbixinta soo baxday maanta ay muujineyso in wax ay ka qaldan yihiin hanaanka ay adeegsanayaan booliska.

Wasiirka is dhex galka Erik Ullenhag ayaa sheegay toddobaadkii aynu soo dhaafnay in ay tahay wax aan la aqbali karin koontoroolka aqoonsiyada dadka ka dib markii ay soo baxeyn warar sheegaya in booliska ay joojiyaan oo ay weydiiyaan aqoonsiyadooda dadka leh muuqaalka madow.

Isha warka: Metro

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".