Sawirkan waxaa ka qaaday inta uu socday kiiska . Foto: Karin Wettre/Sveriges Radio.

Qaadista dacwadaha maxkamadaha oo qarash badan ku baxa

Warbixn ay soo saartay hay'adda maamusha maxkamadaha dalka ayaa muujineysa in ay sii kordhayaan qarashka ku baxa dacwadaha lagu qaado maxkamadaha iyadoo oo dhinaca kalana fal dambiyeyeedyada dhaca ay noqonayaan kuwa sii adakaanaya oo heer caalami ah.

Qaraashaadka saa'idka ee ku baxaya dacwadaha maxkamadaha ayaa la sheegayaa in inta badan ay sabab u tahay in tusaale ahaan in maxkamadii uu ku adkaado qaadida kiis dacwo ayaa lacag dheeri ah waxay ka dalban kartaa jay'adda maamusha maxkamadaha iyda oo lacagaha ceynkaasi ah ay ku baxayaan shaqaale dheeri ah oo maxkamada qorato.

Sanadkii aynu soo dhaafnay hay'ada maamusha maxkamadaha ayaa ku bixisay qarashaadka dheeri gaaraya 11 milyan oo karoon arrimo la xariira dacwado ka dhacay maxkamadaha dalka iyada oo sandkii ka horreeyay midka aynu soo dhaafnay qarashka uu ahaa sagaal milyan.

Kiis dacwadeed kooxo qawlesato ah oo ka socday degmada Södertälje looguna magac daray Södertäljemålet ayaa qarashaka ku baxay waxaa lagu waramayaa in uu kor u dhaafay 50 milyan oo kron.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista