Wasiirada gargaarka caalamiga Gunilla Carlsson. Foto: Scanpix.

Gargaarka caalmaiga ee ay bixiso Iswiidhan oo la dhaliilay

Wasiirada gargaarka caalamiga ee Iswiidhan Gunilla Carlsson ayaa u aragta, in isbedelo hore loo soo jeediyay kuna qotoma gargaarka caalamiga ay Iswiidhan bixiso, in isbedeladaasi u socdaan si gaabis ah.

Muddo imminka laga joogo lix sano, ayay wasiiradda waxay ka dalbatay xafiiska hay'ada qaabilsan gargaarka caalamiga ee SIDA in uu noqdo mid ay sarreyso diiradiisa, gargaarkana la siiyo dalalka kuwa ugu daran xagga saboolnimada hase yeeshee sida uu soo qoray wargeyska Dagens Nyheter hadalka wasiirada ayaan waxba ka qabsoomin.

SIDA ayaa ka howl galeysay 41 dal lix sano ka hor. Maanta isla dalal tiradooda intaasi ay la egtahay ayay weli ka howl gashaa hay'ada.

Si loo hirgeliyo isbedelada la doonayay in lagu sammeeyo gargaarga dibeda, ayay dowlada waxay u xilsaartay koox qubaro oo uu horkacayay Lars Heikensten, oo ah madaxa guddiga abaal marinta Nobel horayna u soo noqday madaxa baanka dhexe.

Gargaarka ay dowlada Iswiidhan siiso qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa sanadkii waxuu gaaraya 35 bilyan oo karoon. Ku dhowaad 20 bilyan oo ka mid ah lacagtaasi ayaa waxaa maamusha hay'ada SIDA halka inta soo hartayna la marsiiyo wasaaradda arrimaha dibedda iyo hay'ado ay ka mid yihiin Q.M iyo bankiga adduunka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista