Qof wata hilibka Köttbullar ee uu iminka joojiyay dukaanka Ikea

Ikea oo ka joojiyay maqaayadaha ku dhex yaalla iibinta hilibka Köttbullar

Dukaanka iibiya alaabooyinka guryaha iyo xafiisyada ee Ikea oo sidoo kalana leh maqaayado ay ka cunteeyaan macaamiisha ka adeegata dukaankaasi ayaa joojiyay in uu iibiyo hilibka kuus kuusan ee afka Iswidhishka lagu yiraahdo ‘’Köttbullar’’ ka dib markii baarayaal u dhashay dalka jamhuuriyada Czech ay ka heleen hilibkaasi oo ah mid Iswiidhan ay soo saarto raadadka hilibka faraska, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee TT.

Haddii baaritaanka qubarada Jeega uu noqdo mid sax ah, waxay tani noqoneysaa  markii ugu horreeysay ee hilib Iswiidhan laga soo saaray laga helo raadka hilibka faraska.

Sara Paulson,oo ah afhayeenka xagga warbaahinta u qaabilsan shirkada Ikea ee Iswiidhan ayaa sheegtay iyada oo la eegayo welwelka macaamiisha, in shirkadda ay joojineyso iibinta hilibka kuus kuusan.

Shirkad la yiraahdo Dafgårds kuna taalla banaanka  magaaladda Lidköping ayaa u soo saarta Ikea hilibka köttbullar-ka iyada oo wershedan ay howshaasi waday saddexdii sano ee aynu soo dhaafnay.

Karin Cerenius, oo ah mas’uul ka tirsan hay’ada qaranka ee la socodka cunada qeybteeda gobolka Västra Götaland County, ayaa sheegtay in wersheda  Dafgård ay la xiriirtay mas’uuliyiinta dalka Czech.

Kormeerayaasha Czech-ga ayaa sammeeyay saddex baaritaan iyada oo mid ka mid ah ay ka heleen hilibka faraska.

Qaaradda Yurub ayaa dhowaanahan waxaa hareeysay fadeexad la xiriirta hilibka ka dib markii la ogaaday in hilibka fardaha loo iibiyo sida hilibka lo’da si khiyaano ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".