Dad raadinayay gabadha yar markii la afduubtay November kal hore. Foto: Scanpix.

Xukun lagu riday nin horay u afduubtay gabar da’ yar

Maxkamada degmada Göteborg ayaa ku xukuntay labo sano oo xabsi ah nin bishii November ee sanadkii hore afduubtay gabar sagaal jir ah iyada oo dambiga lagu helay ninkani uu yahay in si sharci daro uu xoriyada ugu qaaday gabadhaasi, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee TT.

Maxkamada ayaa sidoo kale ku heshay ninkan oo da’diisu tahay 25 sano eedeymo kale oo kala ah hanjabaado sharci daro ah, gacan qaad iyo sawiro qaawan oo ku qaaday caruur.

Sidoo waxaa ninkan lagu xukumay in uu dhiibo lacag gaareysa 120 kun oo karoon oo magdhaw ahaan ay u heleyso gabadha uu afduubtay.

Gabadha ayaa la afduubtay bishii November ee sanadkii la soo dhaafay xilli ay ku socotay iskuulkeeda waxaana xilligaasi ka dhacay magaaladda Göteborg baadi goob weyn oo sammeeyeen booliska iyo mutadawaciin ka tirsan urur raadiya dadka la’ waayo hase yeeshee waxaa habeenimadii helay qof rayid ah.

Markii ay booliska weydiiyeen su’aalo, ayay gabadha waxay sheegtay in ay aad u baqday uuna ninka afduubtay ugu hanjabay in uu u iibin doono sida adoon loo galmoodo.

Ninka ayaa isaga waxa uu qirtay in uu gabadha kaxeystay uuna hayay iyada oo aan raali aheyn balse waxa uu dafiray in uu geystay afduub.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".