Foto: Jessica Gow/Scanpix.

Ceymiska qaranka oo ka dalbatay nin xanuunsan cadeyn xilliga uu dhiman doono

Hay'ada ceymiska qaranka ee Försäkringskassan ayaa ka dalbatay nin 23 jir oo uu hayo xanuunka kansarka in uu keeno waraaqo cadeyn ah oo sheegaya taariikhda uu dhimanaayo, si loo sii wado bixinta lacagta kaalamada xanuunka ee (sjukpenning) oo hay'adu siin jirtay bukaankan.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ninkani uu ka soo baxay cisbitaal uu jiifay si uu waqtiga ugu dambeeya ee noloshiisa uu la qaato qoyskiisa hase yeeshee kolkii uu la xiriiray qasnada ceymiska qaranka ayaa gacan yare ka mid ah waxay ka dalbatay in uu keeno cadeyn xilliga uu dhimanaayo, sida uu soo qoray bogga internet-ka ee Nyheter 24.

Hay'ada ceymiska ee Försäkringskassan ayaa markii dambe raali gelin ka bixisay arrinkan iyada oo ninka xanuunsana uu hadda qaato lacagta kaalmada ee jirada ama xanuunka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista