Foto: Anna Bubenko/SR

Casuumad misaajid oo loo fidiyay farshaxniste Lars Vilks

Farshaxanistaha Lars Vilks ayaa aqbalay casuumad loo fidiyay oo ah in uu soo booqdo misaajid ku yaalla magaaladda Malmö.

Lars Vilks ayaa ayaa waxuu casuumadanai ka helay maamulaha xarunta Islaamiga ee Malmö, Bejzat Becirov isaga oo u soo mariyay telifishinka wararka ee TV4.

Casuumadan ayaa siineysa farshaxanistaha fursad uu ku cabiro aragtidiisa ama uu isu sharxo.

Maamulaha misaajidka Malmö Bejzat Becirov ayaa isna sheegay in ay marwalba jirto waqti uu qofka isu bedelo oo uu ka noqdo wax uu horay u yiri ama uu sammeeyay.

Vilks oo jawaab ku soo qoray boggiisa internet-ka ee qoraalada ayaa sheegay in uusan bixineynin wax raali gelin ah balse uu soo dhoweynayo casuumada.

Casuumada uu Becirov uu u fidiyay Lars Vilks ayaa timid ka dib markii magaaladda Malmö uu ka dhacay shir shir ay isugu yimaadeen guddi xaliya khilaafaadka oo ka kooban wakiilo ka kala socday diimo kala duwan waxaana kulankaasi looga hadlay qorshe uu farshaxan Vilks ku soo bandhigayo sawiro magaaladda Malmö goob ku taala.

In badan oo ka mid ah sawirada la soo bandhigayo ayaa ah muqaalo horay muran u dhaliyay oo dad badan Muslimiin u arkeyn in loogu gefayo Nabi Maxamed.

Sida uu sheegayo Vilks aragtida imminka socoto ayaa ah in la dejiyo dhaleeceynta Islaamka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista