Wasiirka horumarinta miyiga iyo noocyo hilib ah. Sawirka: Scanpix. Montage: Sveriges Radio

Degmooyinka oo diiday in wax soosaarka hilibka meel dhexe lagu koontoroolo

Maamulada degmooyinka ayaa diiday hindise uu soo jeediyay wasiirka horumarinta  miyiga Eskil Erlandsson kaasi oo ah in hal meel oo dhexe lagu koontaroolo wax soosaarka hilibka dalka.

Hindisahan ayuu wasiirka soo jeediyay ka dib markii maalintii shalay ay soo if baxday in hilibka nooca kuus kuusan oo lagu farsameeyay Iswiidhan ay baarayaal u dhashay dalka jamhuuriyada Czech ka heleen raadka hilib faras.

Hay'ada la yiraahdo Livsmedelsverket oo ah hay'ad la socota wax soo saarka cunada iyo maamulada degmooyinka ayay imminka saarantahay qeyb weyn oo ah mas'uuliyada koontoroolida hilibka iyada oo maamulada degmooyinka ay saarantahay mas'uuliyad yar.

Ann-Sofie Eriksson, oo ka tirsan hay'ada maamulada degmooyinka iyo gobolada ku mideysan yihiin ee SKL ayaa iyada rumeysan in habka hadda jira uu yahay mid si wanaagsan u shaqeynaya, waxayna qabtaa aragti ah in degmooyinka ay u dhowyihiin shacabka ayna si deg deg ah u sammeyn karaan baaritaano haddii loo baahdo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".