Farrin Ikea oo ah: Waan joojinay iibinta Köttbullar maantaFoto: Mattias Forsberg/Sveriges Radio.

Mamnuucida hilibka Ikea oo heer caalami ah gaaray

Dukaanka weyn ee iibiya alaabta guraha iyo xafiisyada ee Ikea ayaa shalay joojiyay iibinta hilibka kuus kuusan ee laga cuni jiray maqaayadaha ku dhex yaala dukaankan ka dib markii laga helay hilibkaasi raadadka hilib faras.

Ilaa iyo 24 dal ayay hadda maraysaa meelaha laga mamnuucay hilibka lagu iibin jiray dukaanada Ikea, sida soo qortay wakaaladda wararka ee AFP.

Ylva Magnusson oo ah mas'uul warfidiyeenka u qaabilsan Ikea ayaa sheegtay in sabab xagga taxadarka ah in shirkada ay joojisay iibinta guud ahaan hilibka ay soo saarto warshada Dafgård oo mida soo saartay hilibka laga helay faraska.

Hilibka ay farsameyso warshada Dåfgård ayaa waxaa inta badan loo dhoofiyaa dukaanada Ikea ee ku yaala wadamada reer galbeedka iyo meelo ka fog sida Hong Kong, Thailand iyo jamhuuriyada Domiaica.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista