Iskuul oo ku yaalla xaafadda Rissne oo xalay gubtay

Waxaa xalay gubtay oo uu dab ka kacay iskuul ku yaalla xaafada Rissne ee Sundyberg iyada oo dabkaasi uu baabi'iyay saqafka sare ee iskuulka waxaana sidoo kale biyo, dab iyo qiiq ay baabi'iyeen sadex dalool dhismaha iskuulka.

Maamulaha iskuulka RissneJohannes Håll ayaa ayaa sheegay in ardayda dhigata iskuulkan oo tira ahaan gaareysa 150 boosas waxbarasho loogu raadin doono qeybaha kale ee degamada marka ay maalinta isniinta ee soo socota ka soo laabtaan fasaxa hadda lagu jiro ee sportlovet.

Sida ay sheegayaan warar laga helay dad goobjoogayaal ahaa dabka ayaa ka bilowday gaari holacaya oo afaafka iskuulka ku soo riixeen dhalinyaro marka ay saacada aheyd saddexda habeenimo ama sagaal saac.

Booliska ayaa baaritaan ka furay dabka iskuulka.

TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista