Ciyaarta barafka lagu cararo ee längskidor

Ciyaaryahanada längskidor ee 90-yadii oo qaadan jiray dopning

Sida caawa  lagu sheegi doono  barnaamijka dabagalka ee Uppdrag Granskning ee ka baxa telifishinka SVT ciyaarahanada ka qeyb qaadan jiray sanadihii sagaashamaadka ciyaarta barafka lagu cararo ee lugaha dhaadheer la xirto ee längskidor in ay isticmaali jireen maadooyinka daroogada ee la yiraahdo dopning ee mamnuuca ka ah in badan oo ka mid ah ciyaaraha sport-ga ee lagu tartamo.

Professor la yiraahdo Bengt Saltin oo ka tirsan jaamacadda Köpenhamn ahna cilmi baare ka shaqeeya baritaanada maadooyinka dopning ayaa sheegay in nooca maado ay isticmaali jireen ciyaaryahanada längskidor ay tahay mid dhiiga la xiriirta oo aan la oggoleyn in la isticmaalo.

Koobkii adduunka ee ciyaarta barafka lagu cararo ee ka dhacay magaaladda Lahtis ee dalka Finland sanadkii 1997, ayaa waxuu ahaa markii ugu horreysay oo baaritaano dhiiga lagu sammeeyo ciyaaryahanada ka qeyb gala tartatnka barafka lagu cararo hase yeeshee lama shaacinin natiijada baaritaanada.

Laakiin baaritaanka imminka uu soo bandhigay barnaamijka Uppdrag Granskning ee SVT  ayaa waxaa lagu soo bandhigay liis laga helay tababare u dhashay dalka Finland oo la yiraahdo Kari Pekka Kyrö, waxaana liiskaasi ku  jira ciyaaryahano u kala dhashay dalalka Iswiidhan iyo Norway oo baaritaanka dhiigooda laga helay cadad badan oo ah maadooyinka mamnuuca ee dopning.

Ciyaaryahanada tartami jiray berigaasi ayaa qaarkood imminka ka ah dalalka ay u dhasheyn geesiyaal isboorti oo bilada soo hooyay xilligaasi., warkan in ay isticmaali jireen maadooyinka daroogada ee dopning ayaa noqonaya mid aan u wanaagsaneen sumcada taariikhdooda ciyaartaasi.

Toddobo ciyaaryahan oo caan ah  berigaasina ka tartami jiray ciyaartan orodka ee barafka kana mid yahay mid u dhashay Iswiidhan ayaa wada beeniyay in ay isticmaali jireen maadada dopning marka lagu wareystay barmaakijka Uppdrag Granskning.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".