Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Cudurka jadeecada oo ka dilaacay Iswiidhan.

Stockholm oo ka mid ah meelaha u ka dilaacay cudurka jadeecada Foto: COP / NTB scanpix / SCANPIX

Ilaa iyo dad gaaraya toban ruux ayaa waxaa ku dhacay cudurka jadeecada, iyada oo tani lagu tilmaamay arrin aan caadi aheyn.

Dadka uu soo ritay ama uu ku dhacay cudurka jadeecada ayaa waxay ku kala noolyihiin magaalooyinka Stockholm iyo Uppsala oo ah goobaha ugu dambeeyay ee laga soo sheegay fidista jadeecada.

Cudurka ayaa la sheegayaa in markiisii hore laga qaday qof ka yimid dibeda.

Jadeecada oo afka Iswidhsihka lagu yiraahdo Mässling ayaa leh qando ama xumo saa'id ah, qufac, bukaanka oo indhaha iyo oogada gaduutaan ama ay casaan noqdaan.

Sida uu sheegay Anders Tegnell, oo ah madaxa qeybta cudurada faafa ee machadka Smittskyddsinstitutet, jadeecada ayaa ah cudur halis ah waxuuna u sheegay wakaaladda wararka ee TT in cudurka sanad walba uu uu ku dilo qaarada Yurub tiro dad ah.

Inger Andersson von Rosen, oo ah dhaqtar daweeya cudurada faafa oo ka howl gala magaaladda Uppsala, ayaa ku booriyay bulshada in ay qaataan talaalka jadeecada gaar ahaan dadka dhashay 1960-kii iyo 1970-dii ka hor inta aan la soo saarin talaalka ka hotaga jadeecada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".