Hilibka kuus kuusan ee köttbullar. Foto: Heiko Junge/Scanpix.

Baaritaan gudaha ah oo cadeeyay in köttbullar-ka Dafgård uu ku jiro hilib faras

Hay'ada la socodka cunooyinka ee Livsmedelstillverkaren ayaa sheegaty in baaritaan ay shirkada Dafgårds qudheeda ay ku sammeeyay hilibka ay sameyso ee kötbullar luu cadeeyay in hilibkaasi uu ku jiro hilib faras ah.

Waxay aheyd maalintii isniinta ee toddobaadkan markii mas'uuliyiinta jamhuuriyada Czech ay ka heleen raad hilibka faraska ah, hilibka nooca kuus kuusan ee lagu iibin jiray maqaayadaha dukaanka Ikea hilibkaasi oo lagu farsameeyo warshad Dafgårds ee ku taalla Iswiidhan.

Shalay ayaa hadal ay soo saareen mas'uuliyiinta warshada Dafgårds waxay ku sheegeen in baaritaankooda uu muujiyay in hilib faras uusan ku jirin köttbullar-ka ay sameeyaan laakiin waxaaimminka soo baxay faah faahin dheeri ah oo muujineysa in hilib faras oo gaaraya hal ilaa iyo toban boqolkiiba in uu ku jiro hilibka kuus kuusan ee ay sameeyso warshada.

Dukaanka Ikea ayaa ka joojiyay maqaayadaha ku dhex yaalla xarumaha dukaanka ee ku yaalla meelo kala duwan oo calamka ka mid ah iibinta hilibka kuus kuusan ee köttbullar ka ib markii toddobaadkani ay soo shaac baxday in hilibkaasi uu ku jiro hilib faras.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".