Qof fiirsanaya filim kombuyuutar. Photo: Patrick Sörquist/Scanpix

Khidmada telifishinka oo laga doonaya dadka heysta kombuutarada.

Sida uu soo qoray bogga internet-ka ee Computer Sweden ee faafiya wararka tiknoolijada,  hay'ada Radiotjänst ee uruurisa lacagaha adeega telifishinka, ayaa bilowday in ay la xiriirto dadka leh ama heysta kombuyuutarada nooca caadiga ah iyo kuwa fidsan si ay u bixiyaan khidmada isticmaalka telifishinka iyo raadiyaha ee la yiraahdo tv-avgiften.

Sida uu sheegay Carl-Gustav Johansson, oo ah madaxa hay'ada Radiotjänst ee xarunteedu tahay magaaladda Kiruna, howshaasi ayaa u socota si taxadar leh iyada oo hay'ada inta badan ay la xiriireyso hadda dadka heysta kombuyutrada ku xiriirsan internet-ka.

Lacagtaasi ayaa si caadiga waxaa laga qaadaa aqalada uu yaalo telifishin ama raadiye.

Telifishinka SVT ayaa bilowgii sanadkan waxa uu bilaabay in kanaalada uu ka kooban yahay si toos ah looga daawado khadka internet-ka, taasina ayaana ka dhigeysa mid sharci ah in qofkii heysta kombuyuutar ku xiriirsan aalada internet-ka in ay Radiotjänst la xiriirto oo ay weydiiso lacagta telifishinka, sida uu qabo sharciga hayadaasi.

Lacagta la isaka qaado ee adeegsiga telifishinka oo afka Iswidhishka lagu yiraahdo tv-avgift ayaa gaareysa 2 076 kronor sanadkii.

Radiotjänst, ayaa shirkad ay iska leeyihiin SVT, Sveriges Radio iyo UR, waxayna u qaabilsantahay ururrinta khidmada telifishinka ee tv-avgiften.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista