Xeer ilaaliye la qabtay isaga oo iibsanaya adeeg galmo

Xeer ilaaliye sare ayaa ku dhex qirtay hotel ku yaalla Stockholmin in haweeney uu ka iibsaday ama lacag uu siiyay si ay ugu helo adeeg galmo.

Sida ay baahiyeen warbaahin kala duwan, xeer ilaaliayaha ayay boolis dhar cad ah waxay ku qabteen jaran jarta hotel-ka marka uu ka soo baxay qolka uu kula kulmay haweeneyda uu ka iibsaday adeega galmada.

Arrintan ayaa waxay dhacday maalintii isniinta ee toddobaadkan, waxay bileyska qabtayna wareysi la yeesheen isaga iyo isla haweeneyda uu la kulmay.

Xeer ilaaliyaha ayaa qudhiisa waxuu ka shaqeeyaa baaritaanada booliska iyo xeer ilaaliyayaasha loogu shakiyo fal dambiyeedyo hase yeeshee imminka waxa uu ku jiray fasax.

Kiiska ayaa ah mid xasaasi ah waxaana baaritaanka socda ee booliska lag gaarsiiyay madaxa booliska qaranka ee Stockholm iyo xeer ilaaliyaha qaranka.

Ninka la qabtay ayaa halis ugu jira in uu waayo shaqadiisa xeer ilaalinimo.

Iswiidhan ayaa waxaa dambi ka ah in qofka uu iibsado adeeg galmo balse qofka gadaha ah waxba looma raacdo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".