Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Tirada taageerada maadooyinka ardeyda oo kor u kacdey

La daabacay onsdag 27 februari 2013 kl 13.31
Waxaa la adkeeyey xuquuqda dhallaanka ee tacliinta
(11 min)
Dhallaan masrax ka heesaya. Sawirle: Kenadid Mohamed

Wixii ka dambeeyey isbeddelladii xeerarka iskuullada ee sannadihii 2010 iyo 2011 ayey guud ahaan kor u kaceen taageerada xiisadaha dhallaanka laga taageero maadooyinka ku adag ama dhibaatada ku ah fahankooda iyo la qabsigooda. Halka sidoo kale ey kor u kavceen dhallaanka luuqaddu caqabadda ku tahay sidii maadooyinka loogu fahansiin lahaa luuqaddooda hooyo, hase yeeshee ey ku kala duwan yihiin kor u kacaasi ku dhowaad 300-da boqol ee degmo ee dalku ka kooban yahay, sida uu sheegay Mats Wennerholm oo ka howl-gala hayadda maamulka iskuullada, Skolverket:

- In-kasta oo ey degmooyinku ku kala gedisan yihiin middaa ayaa haddana waxaa la oran karaa in guud ahaan ey kor u kaceen xiisadaha taageerada looga fidiyo dhallaanka maadooyinka ku adag ama u baahan yhiin in laga taageero ama loogu macneeyo luuqaddooda hooyo.

Iyadoona ay middaasi ugu wacan tahay, sida uu sheegay Mats Wennerholm isaga oo hadalkiisii sii wata is-bedelka dhanka xeerka oo la adkeeyey xuquuqda dhallaanka, uu kor u kacay aqoonta maamullada iskuulka ee xuquuqda ardayga, sidaa daraadeedna loo dhiiraday in la habeeyo xiisadahaa, hase yeeshee kor u kacu waa mid ey degmooyinku ku kala duwan yihiin, sida aan horayba u sheegay,

sidaa uu sheegay Mats Wennerholm oo ka howl-gala hayadda maamulka iskuullada ee Skolverket.

Nawaaxiga magaalada Uppsala ayey ku dhaqan yihiin dhallaan tiradoodu gaarsiisan yihiin 140 oo wax ka dhigta dugsiyada hoose/dhexe iyo sare. Kuwaasina oo ka qeyb qaata xiisadaha barashada luuqadda hooyo, sida uu noo sheegay bare  Rashiid Cabdi Muuse, oo ku dhaqnaa magaalada Uppsala 18-kii sannadood mar aannu sabtidii kula kullanney xaflad ururka macallimiintu u qabtey waalidiinta iyo dhallaanka, laguna xusayey maalinta caalamiga ee luuqadda hooyo oo ku beegneyd 21-kii feberaayo 2013.

Sannadihii ugu dambeeyey ayey kor u kaceen tirada macallimiinta soomaalida ee wax ka dhigta dugsiyada ku yaala nawaaxiga magaalada Uppsala, iyadoona  ey ugu wacan yihiin sida uu sheegay bare Rashiid Cabdi Muuse iyada oo ey ku soo badanayeen dhallaanka dhallaanka soomaalida ee nawaaxigaa ku dhaqan iyo tirada taageerada laga caawiyo maadooyinka oo iyaguna kor u kacay. Waxaa iminka ka howl-gala dugsiyada Uppsala macallimiin soomaali ah ee tiradoodu shan gaarsiisan yihiin halka ey wixii intaa ka horeeyey laba un uga ahaayeen. Rashiid Cabdi Muuse iyo mar kale:

Marka laga yimaado tallooyinkii ururka macallimiinta, doodo iyo su’aallo wixii la is dhaafsadey ayaa sidoo kale halkaasi ey dhallaanku ku soo ban-dhigeen riwaayado, heeso, gabayo iyo sheekooyin ey aad uga heleen waalidiintii halkaa ku sugneeyd. Guuleed Jamaal oo 11-jir ah wuxuu ka mid ahaa dhallaankii sheekada ka akhriyey halkaasi. Sheeko lagu magacaabo ”Rabshoole iyo daanyeer”:
- In qof wax laga xado ma fiicna, ayey ahayd muhiimadda sheekadan ka dambeeysay, sida uu noo sheegay Guuleed Jamaal.

Goobta uu kulankaasi ka dhacey ee iskuulka Faksala-torg ayaan sidoo kale kula kullaney hooyo iswiidhish ah oo ey sagaal caruur ah isu leeyihiin aabbe soomaaliyeed:
- Waxaan sagaal caruur ah u leeyahay nin soomaaliyeed. Caruurteydu soomaaliga uguma hadasho sida ilmaha soomaalida ee leh labada waalid oo aan jeclaan lahaa iney bartaan. Iminka waxey dhigtaan xiisadda luuqadda soomaaliga, sidoo kale waxey ka bartaan qaraabadooda iyo aabbahood. Aniga laftaydana waxaan isku dayaa inaan ku hadlo, sida ay sheegtay hooyo Sara.

Dhanka kale hooyo ka mid ah waalidiintii goobta ku sugneeyd, Ifraax Ismaaciil Jibriil ayaa sheegtay mar ey macallimmiinta talo u soo jeedinaysay in aaney ku qanacsaneyn xiriirka macallimiinta sidaa daraaddeena ay jeclaan lahayd in la hagaajiyo. 

Bare Rashiid Cabdi Muuse ayaa isaguna dhankiisa sheegay in xiriir-darrada dhanka waalidiinta ey tahay caqabad la soo gudboonaata macallimiinta afka hooyo, hase yeeshee aanay middaasi oo keliya ahyn caqabadaha la soo gudboonaada:

 Codkaa ugu dambeeyey ee aad maqasheenna wuxuu ahaa bare Rashiid Cabdi Muuse oo ka mid ah macallimmiinta afka hooyo ee dugsiyada Uppsala, mar aannu ku wareeysanay xaflad maalintii sabtida ka dhacday magaalada Uppsala oo lagu weeyneynayey maalinta caalamiga ee afka hooyo.

Sidoo kale waxaad wareeysiyadii dhallaanka, sheekooyin iyo heesihii ey halkaa ka dhigeenba aad ka daalacan kartaan boggayaga internetka ee SR Somaliska.

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".