Foto: Hendrik Harms/Wikimedia commons.

Diyaarado shisheeye oo ku soo xadgudba hawada Iswiidhan

Diyaarado shisheeye oo ah nooca militeriga ayaa si joogta ah ugu soo xadgudba hawada Iswiidhan, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday wasaaradda gaashaandhiga oo uu faafiyay wargeysaka Gotlands Allehanda.

Intii lagu guda jiray sanadkii aynu soo dhaafnay 2012-ka, 190 jeer ayay diyaarado shisheeye ku soo xadgudbeen hawada dalka, iyada oo 12 ka mid ah loo arkay kuwa khatar ahaa.

Tiro sideed jeer ah ayay xadgudubyada hawada waxay ahayeen kuwa ay ku lug lahaayeen diyaarado militeri, waxaana ka mid ahaa diyaarad militeri oo kuwa xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka,diyaarad dalka Estonia iyo labo diyaaradood oo kuwa militeriga xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Ruushka kuwaasi oo si sharci daro ah ku maray hawada Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".