Christina Höj Larsen, afhayeenada siyaasada socdaalka ee xisbiga V

Xisbiga(V)oo dalbanaya in laga doodo howlaha booliska ee sharci weydiinta.

Xisbiga bidixda ee mucaaradka ayaa dalbaday in baarlamanka Iswiidhan uu ka doodo howlgalo socda oo booliska ku weydiinayaan kaararka aqoonsiga dadka ku socdaala hanaanka tareenada dhulka hoose mara ee stockholm iyaga oo taasi u sammeeya si u qabtaan dadka sharci la’aanta ah ee la doonayo in dalka laga masaafuriyo.

Christina Höj Larsen oo ah afhayeenad xisbiga bidixda  (V), u qaabilsan siyaasadda socdaalka ayaa tilmaamtay in booliska keliya ay weydiiyaan dadka kaararkooda aqoonsiga sabab la xiriirta muuqaalka shisheeye ee qofka uu leeyahay balse waxa uu sheegay in badan oo ah dadka la weydiiyay sharciyada aqoonsiga ay si sax ah ku joogaan Iswiidhan.

Afhayeenada ayaa u aragta tallaabooyinka booliska ee weydiinta kaararka aqoonsiga ay tahay mid jebineysa xeerka qaaradda Yurub, waxayna dooneysaa in la baaro oo la cadeeyo arrinkaasi.

Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".