Wasiirka maaliyada Anders Borg . Foto: Henrik Montgomery/Scanpix.

Anders Borg oo ka hadlay doorashada Talayaaniga

Wasiirka maaliyada ee dalka Iswiidhan Anders Borg ayaa sheegay in hubinti la'aanta ka dhalatay natiijada doorashada dhowaantan ka dhacday dalka Talayaaniga ay halis ku keeni karto soo kabashada dhaqaalaha ee qaaradda Yurub.

Anders Borg oo la hadlay idaacadda Ekot ayaa sheegay in suuqayada ay fududeysteen natiijada doorashada oo sida uu sheegayo wasiirka ugu horreyso wel welka laga qabo guulaha siyaasiyiinta mabaadiido fududahay ee dalka talayaaniga.

''Waxaa dib ugu soo laabanaya masraxa siyaasadda Berlusconi oo taageero fiican ku helaya siyaasad ku saleysan canshuur dhimis oo aan u wanaagsaneen talayaaniga marka loo eego xaalada dhaqaale xumo ee jirta, ayuu yiri wasiirka.

Anders Borg ayaa sidoo kale sheegay in siyaasiyiinta helay codadka ugu badan eedoorshada talayaaniga, Bersani iyo Berlusconi ay labadauba doonayaan in laga laabto siyaaasadaha miisaaniyada xadididan.

Wasiirka maaliyada ayaa sheegay in xaaladda siyaasada dalka talayaaniga ay imminka tahay mid kadeed badan ama dhib badan taasina ay sabab u tahay siyaasiyiinta aan laheyn mabaadii jilicsan oo ku taamaya hadaf siyaasadeed oo ka fog xaqiiqda jirta.

/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".