Foto: Markus Schreiber/Scanpix

Midowga Yurub oo bilaabaya kaar deganaansho oo bulug ah oo la mid ah mareykanka ee cagaarka.

Iswiidhan iyo dalalka kale ee midowga yurub ayaa bilaabi raba in ay bixiyaan sharci deganaansho shaqo oo loo bixinayo ''kaarka buluuga' waana mid ah sharciga deganaanshaha mareykanka ee la yiraahdo gröna kort ama Greencard.

Rajada la leeyahay ayaa ah in la soo jiito dadka waxbarashadooda sarreysa ee wadamada ka baxsan midowga yurub si ay halkani ugu shaqeystaan.

Hanaankan kaarka buluga ayaa keliya heli doono qofka heli kara shaqo mushaharkeeda uu yahay ugu yaraan 43 500 kroon bishii hase yeeshee dhinaca Iswiidhan marka laga hadlayo sharcigan ayaa laheyn micno sidaa u buuran maadaama goor horaba uu ka jiro Iswiidhan sharci la xiriira soogalootiga shaqada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".