Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dadka ugu horeeya ee laga iibin jiray fiisooyinka ayaa ah dadka ka soo jeeda Latin Amerika iyaga oo bixin jiray 40 000 kron si u yimaadaan Iswiidhan ugana shaqeeyaan nadaafadda. Arkivfoto: Fredrik Sandberg/Scanpix.

Ururka Syndikalisterna oo iibiyay fiisooyin shaqo.

Ururka Syndikalist, oo ka mid ah ururada shaqaalaha ee dalka ayaa xubno ka mid ah waxaa la sheegay in ka iibin jireen fiisooyinka shaqada dad u dhashay dalal ka baxsan midowga Yurub.

Sida ay maanta ka kashiftay idaacadda wararka ee Ekot, ururkan ayaa casuumado shaqo oo ku meel gaar ah ku iibinayay qarash u dhaxeeya 20.000 ilaa 40.000 oo karoon taasi oo u sahleysay dad u dhashay wadamo ka baxsan qaaradda Yurub in ay sidaasi ku soo galaan Iswiidhan.

Shaqooyin ay iibin jireen xubno ka tirsan ururkan ayaa ahaa, shaqooyinka maqaayadaha, nadaafadda iyo daryeelka.

Madaxa urur hoosaadkan shaqaalaha Syndikalisterna qeybtiisa galbeeka Iswiidhan,  Ruben Tastas Duque ayaa sheegay in xafiiska ku yaalla deegaanka galbeed ee magaaladda Stockholm in uu ku lug lahaa howlahaasi sharci daradda ah waxuuna sheegay in xubnaha ku kacay falalkaasi laga ceyriyay ururka ka dib markii ay soo shaac baxday arrinta bishoo Siteembar ee sanadkii 2010.

Ruben Duque ayaa beeniyay in isaga uu si shaqsi ah ugu lug lahaa ganacsigan sharci daradda ah hase yeeshee waxuu sheegay in ay tahay fadeexad oo dadkii ku lugta lahaana la ceyriyay inkastoo dhinaca kale uu sheegay in aysan wax warbixin u gudbinin dhanka booliska.

Liv Marend, oo ah xogayaha guud ee ururka Syndikalisterna oo saakay la hadashay idaacadda Ekot ayaa sheegtay in maalintii sabtida ay ka ceyriyeen ama ay ka saareen  ururka qeybtan ku taalla dhanka galbeedka ee Stockholm ee lagu eedeynayo ka ganacsiga fiisooyinka casuumadaha shaqo iyada oo sheegtay in dadka ka shaqeeya xafiiskaasi ay ka horyimaadeen kuna xadgudbeen mabaadii’da qiimaha ururka uu ku dhisan yahay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".