Cafis ay dadweynaha ku wareejin karaa hubka ay heystaan oo maanta bilowday

Laga bilaabo maanta ilaa iyo saddexda bilood ee soo socda, waxaa ka dalka ka bilowday cafis ah in dadka ay soo dhiibaan hubka ay heystaan oo ay ku wareejiyaan booliska iyada oo qofka uusan mudaneynin wax ciqaab ah.

Baarlamaanka dalka ayaa soo saaray cafiskan ku meel gaarka ah oo micnahiisu yahay in qofkii heysta hub iyo rasaas uu ku wareejiyo ciidamada amaanka iyada oo aan la sheegeynin magaciisa, waa laga bilaabo maanta ilaa iyo 31-ka bisha Maajo ee soo socota.

Cafis la mid ah midkan oo kale oo ay dowlada fidisay sanadkii 2007-da, ayaa booliska waxay kula wareegaan hub gaaraya 13 000 oo dadkii heystay ay u dhiibeen booliska iyaga oo ka faa’ideysanayay cafiska.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".