Booliska oo xiraya halka ay ka dhacday mashaqada. Foto: Mattias Bolin/SR Göteborg

Dil ka dhacay magaaladda Göteborg

Haweeney 45 jir ah ayaa maanta lagu dilay deegaanka Frölunda ee magaaladda Göteborg ka dib markii nin 50 jir ah uu ku dhuftay rasaas.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninka 50 jirka ah oo imminka looga shakisan yahay in uu geystay dilka haweeneyda dhimatay. Sida ay sheegeen booliska xariga ninkaasi ayaa ka dhacay meel banaanka ka ah magaaladda Göteborg mana laga kulmin wax dhibaato ah kolka ay xirayeen booliska.

Sida ay sheegeen booliska, toogashada ayaa dhcday saakay xilli saacadu ay aheyd 7-da aroornimo ama hal saac waxayna ka dhacay meel barxad iyada oo haweeneyda lagu dhuftay rasaasta ay ku geeriyootay isla goobta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".