Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
sida ay leedahay warbixinta, adeega xaafadaha ee ay sammeeyaan shacabka ayaa sabab u ah kobaca dhaqaalaha. Foto: Tomas Oneborg/Scanpix

Dhaqaalaha oo si aan laga fileyn sare ugu kobcay sanadkii tegay.

Warbixn cusub oo la soo bandhigay ayaa muujinaya in dhaqaalaha Iswiidhan uu u kobcay si ka sarreeysa sida laga filayay dhammaadkii 2012-ka.

Iyada oo caalamka uu ka jiray mishaakil dhaqaale oo xoog badan, ayuu dhaqaalaha Iswiidhan waxa uu sammeeyay kobcid gaaraya 1.4 boqolkiiba.

Mid ka mid ah sababa jira ee sara u kaca kobaca dhaqaalaha ee dalka, ayaa ah in dadka ku nool Iswiidhan ay weli qarash gareeya lacagtoodasi ka badan inta laga filayay hase yeeshee adeega dhoofinta ee dalka ayaa hoos u dhacay 2.4 boqolkiiba waxaana la mid ah wax soo saarka xagga warshadaha sida qalabka gaadiidka oo aheyd 9 boqolkiiba oo ah in la mid ah sida uu ahaa sanadkii ka horreeyay 2012-ka.

Wasiirka maaliyada Anders Borg ayaa sheegay in warbixintan cusub ee xagga dhaqaalaha  ay tahay astaan muujinayesa deganaansho xagga dhaqaalaha dalka laakiin wasiirka ayaa sheegay in weli jiraan dhibaatooyinka xagga dhaqaalaha iyo siyaasadda oo ka jira meelo ka mid ah qaaradda Yurub kuwaasi la imaan kara qal qal xagga dhaqaalaha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".