Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Macallimmiinta habkan wax ku dhigta waxey leeyihiin xirfad sarreeysa

La daabacay fredag 1 mars 2013 kl 15.11
Bare Cabddullaahi: Markii hore shaki ayaa igaga jiray
(7:24 min)
Tacliinta aan la wada joogin ee dugsiga luuqadda Uppsala. Sawirle: halez1. Språkskola Uppsala.

Mararka qaarkood ayey dhacdaa inaaney maamullada deggmooyinku awood u helin sidii ey ugu suurtagelin lahaayeen dhallaanka dhigta iskuullada xuquuqdooda ah iney helaan xiisadaha barashada luuqaddadooda hooyo, iyadoona ey ugu wacan tahay dhaqaale-darro iyo macallimmiin aqoon-kartiyeed middaa u leh.

Haddaba degmooyinka qaar ayaa xal u helay sidii ey middaa ku suurtagelin lahaayeen. Iyadoona loo isticmaalo habka tacliinta ee aaladda kombiyuuterka, waxa lagu magacaabo fjär undervisning. Degmooyinkaa ayay ka mid tahay degmada Uppsala. Cabdullaahi Axmed ayaa ka mid ah macallimiinta dhigta luuqadda hooyo iyada oo ardeyda iyo macallinku ku kala sugan yihiin goobo kala duwan. Isla-markaana adeyda qudheedu ey dhacdo iney ku kala sugan yihiin goobo kala duwan ee dalka dacalladiisa:

Degmada Uppsala oo ka mid ah degmooyinka laga hir-geliyey habka wax-baridda dhallaanka ee luuqadda hooyo iyo ka taageeridda maadooyinka ku adag ayaa habkaa wax ugu dhigta dhallaan tiradoodu gaarsiisan yihiin 200 oo ku hadla luuqado labaatameeyo kor u dhaafaya oo ey ka mid yihiin: Carabiga, Daari, Beershiyanka, saamiska, taaylandeeska, amxaariga, soomaaliga iyo qaar kale ee fara badan. Marianna Aivazova, ahna ku simaha maamulha dugsiga luuqadda ee degmada Uppsala oo ka mid ah amaba la oran karo dugsiyadii ugu horeeyay ee nidaamkan hir-geliyaa ayaa sheegtay in aanu habkani waxba kaga duwanayn kan ey fasalka ku wada sugan yihiin macallinka iyo ardaygu.

- Manhaj, xeerar hab shahaado qaadasho ee isku mid ah ayey wax ku dhigtaan. Midda keliya oo ey ku kala duwan yihiin waxey tahay in aaney fasal ku wada sugneyn macallinka iyo ardeydu. Farqi kale oo u dhexeeya ma jiro, sida ay sheegtay.

Haddaba habkan baridda dhallaanka luuqadda hooyo ee wax-barashada aan lala joogin ayaa bilaabaty muddo iminka siddeed sannadood ku dhowaad laga joogo, iyadoona soo martay marxalado kala duwan, Sida ay noo sheegtay Marianna Aivazova, ku-simaha maamulaha iskuulka luuqadda ee degmada Uppsala:

- waagaa waxaan u howl-geli jirney inaan dayuurad u qaadanno magaalada Luleå oo dhacda waqooyiga, halkaa aan gaari ka raacno si aan u tagno magaalada Boden oo aan dhallaanka kula kullanno. Bishii ayaan mar la kulmi jirney si aan wax ugu dhigno. Muddada intaa u dhexeeysanna waxaan ku xiriiri jirney qoraalka elektroonikada ee mail-ka, fax iyo telefoon, sida ay sheegtay.

Howshaa ayey bilaabeen laba macallin ee dhigi jirey luuqadaha carabiga iyo ruushka.

Sannad-hortii ayey haddaba bilaabatay in luuqadda soomaaliga in lagu dhigo habka wax-barashada ardeyda aan lala joogin, sida uu noo sheegay bare Cabdullaahi Axmed, isagoona intaa raaciyey in aannu markii hore aaminsaneyn in habkani aannu ahayn mid u dhigma kolka macallinku uu fasalka wax ugu dhigo ardeyda:
- Inkasta oo aannu macallinku fasal kula jirin ardeyda uu wax u dhigayo, ayaanu haddana lumin awooddii iyo sumcaddii uu ku lahaa ardeyda dhexdooda. Bare Cabdullaahi Axmed iyo mar kale:
- Nidaamka tacliinta ee waxbarashada ardeyda aan lala joogin ayaan illaa hadda ku qeexneyn ama ku xaddidneyn xeerka iskuulka, balse dawladdu u xil-saartay baaritaan la fileyo in sannadkan gudihiisa loo kala diro hayadaha ey quseeyaan si ey uga soo dhiibtaan fikirradooda. Marianna Aivazova, ayaan u arag middaa caqabad hor-taagan, maadaama ey muhiimmadda saarayaan baahida dhallaanka, sida ay noo sheegtay:
- Waa dhallaanka cidda aan diiradda saareyno iyo baahidooda meel walboo ey dalka kaga sugan yihiin. Haddey noqon lahayd Uppsala iyo haddey noqon lahayd goob kale. Iyo sidoo kale inaan annaga qudheennu tallaabooyin horey uga qaadnno, sida ay sheegtay.

Mustaqbalka: Marka laga yimaado wada-shaqeeynta ka dhaxeeysa iskuulka luuqadda ee Uppsala iyo jaamicadda Uppsala ee la xiriirta hor-u-marinta habka wax-barashada ardeyda aan lala joogin oo dhowaantan uu soo bixi doono buug loogu talao-galey macallimmiinta iyo habka hor-u-marinta nidaamkaa, ayay Marianna Aivazova rajeeyneysaa in tallaabada xigtaa tahay sidii loo hor-marin lahaa dhanka ka taageeridda dhallaanka ee maadooyinka ku culus iyada oo la isticmaaleyo aaladda internet-ka. Waa baahi ka taagan degmooyin fara badan, degmada Uppsalina ka mid tahay, Sida ay sheegtay Marianna Aivazova, ku simaha maamulaha dugsiga luuqadda ee magaalada Uppsala.

                                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".