Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Amniga Arlanda oo laga deyrinayo

Xaalada amni ee garoonka dayuuradaha ee Arlanda waxaa ka jira gabaabsi dhanka amniga. Degniin noocaas ah ayaa ka soo yeertey dadyow ka howl-gala shirkada amniga u qaabilsan Arlanda ee Securetes. Gabaabsiga dhanka amnigana waxaa sabab u ah keydin dhaqaale oo ay shirkadu ku howlan-tahay ayey yiraahdeen.

Hal sanno ka hor ayey ahyed markii shaqaale ka howl-gala shirkadaas ay saxaafada u sheegeen in shirkada ay dooneysey dhaqaale keydsi, taas oo sabab u aheyd in uu ruux si tijaabo ah bomb uu watey dhowr goor la dhaafo raajada lagu kontoroolo socotada.

Shaqaalaha ka howl-gala shirkadaan Securetas ayaa hada ka deyrinaya xaalada amni ee garoonka kadib markii ay shirkada wax ka badeshey jadwelka shaqada. Shrirkada ayaa rabta in shaqaalo badan oo amni ay ku sugnaadaan garoonka xiliga galinka hore iyo kan denbe oo ay socotadu faro badantahay. Halka ay shirkadu dooneyso in shaqaalaha amniga ee shirkada shaqeeyaan 13 sacadood oo isku xigta, taas o amniga wax u dhibi karta sida ay sheegeen shaqaalaha amniga ee garuunka Arland.

Isha. SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".